Dalladda Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa walaac ka muujisay dagaallada ka dhacay deegaananda Af-barwaaqo iyo Towfiiq ee gobolka Mudug una dhexeeya beelaha walaalaha ah ee ku wada nool deegaankaas, waxaana ay ku baaqday in dagaalka loo joojiyo sida ugu dhaqsaha badan loona furo wadahadal laguna dhameeyo khilaafaadka.
Colaadda ka socota deegaankaasi waxa ay dhaawac u gaysatay shacabka aan waxba galabsan ee ku nool deegaanadaasi , waxay keentay barakac balaaran, dhaqaale burbur xooggan, iyo adeegyadii bulshada oo istaagay.
Hoos ka akhriso Baaqa PUNSAA

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.