Sida ay xaqiijiyeen ilo’ xog-ogaal ah, waxaa Boosaaso ka socda wada-hadal u dhexeeya xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka gobolka Bari iyo xukuumadda Puntland, kaasi oo lagu sii daynayo siyaasi Muuse Cali Jaamac iyo afar nabaddoon oo ku xiran xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso.
Nabaddoonada xabsiga ku weheliya Dr Muuse Cali Jaaamac ayaa kala ah; Nabaddoon Diraac Yuusuf Buuxe, Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax, Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble iyo Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo), waxaana dhammaantood xabsiga la dhigay, kadib markii ay dhaliilo u jeediyeen heshiisyo xukuumadda Puntland kula jirto shirkado laga leeyahay dalka UAE.
Warar lagu kalsoonyahay oo Puntland Post heshay, waxay sheegayaan in waan-waanta lagu sii daynayo raggaasi ay meel fiican marayso, islamarkaana xukuumadda Puntland ay ogolaatay in ay xorriyadooda dib ugu celinayso, haddii ay buuxiyaan shuruudo ay ku xirtay sii dayntooda.
Xukuumadda Puntland ayaa sida la sheegayo ka laabatay go’aan ay ku doonaysay, in ay dacwad ku soo oogto raggaasi ku xiran xabsiga Boosaaso, kadib markii ay cadaadis kala kulantay odayaasha dhaqanka gobolka Bari.
Siyaasi Muuse Cali Jaamac oo kamid ah xubnaha ugu caansan ee halkaasi ku xiran, ayaa isna la soo sheegaya, in mudadii uu xirnaa marar kala duwan ku xanuunsaday gudaha xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, taasi oo sii kordhisay cadaadista saaran xukuumadda.
PUNTLAND POST