Hargeysa: Qoys dhan oo ku wada-dhintay guri ku dumay

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ayaa sheegaya in afar ruux oo dhammaantood hal qoys ahaa ay dhinteen, kadib markii guri ku dumay.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay, in Faysal Aadan Cabdi iyo Xaaskiisa oo xaamil ahayd iyo laba carruur ah oo ay dhaleen, ay halkaasi ku dhinteen, kadib markii gurigooda uu ku soo dumay dhisme Qadiimiya oo ku qabsanaa.

Qoyska oo degganaa Aqal Soomaali ku yaalla aga’gaarka xaafadda Birjeex ee magaalada Hargeysa, ayaa sida la xaqiijiyay waxaa ku soo dumay dhisme Qadiimiya oo gurigooda ku qabsanaa, inkastoo aysan weli kala caddayn in dhismaha la degganaa iyo in kale.

Saraakiisha Ciidanka Dab-demiska Somaliland, ayaa sheegay in ay maydadka qoyskaasi ka soo saareen burburka hoostiisa, waxaana la geeyay isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa.

Wararku waxay sheegayaan, in burburka dhismaha uu ka dhashay roobab maalmihii u dambeeyay ka da’ayay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST