Dad lagu waayay degmada Laasqoray oo xaalad go’doon ah ku sugan

Ganacsade Cawil Saalax Jaamac oo ku sugan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in laba ruux lagu la’yahay, daadad xooggan oo ka dhashay, Roobab mahiiggaana oo todobaadyadii la soo dhaafay si xawliya uga da’ayey degmada Laasqoray nawaaxigeeda.

Ganacsadaha ayaa sidoo kale sheegay in daadadka ka dhashay roobabkaasi, ay gebi ahaanba burburiyeen, dhammaan waddooyinkii geli jiray degamada Laasqoray, oo sida uu sheegay haatan xaalad go’doon ah ku sugan, kadib markii ay dhinac kasta ka xayireen daadadkaasi.

Ganacsade Cawil ayaa xusay in degmada Laasqoray ee go’doonsan, aysan wax maciishad ah soo gelin in ka badan 10 cisho, taasi oo keentay in xaalad adag soo foodsaarto bulshada halkaasi ku dhaqan, xilli weli roobku si xawliya uga da’ayo degaanka.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in daadadka roobka ka dhashay ee halkaasi ku fatahay ay marba-marka ka dambaysa sii noqonayaan mowjado xoog badan, islamarkaana meelaha qaarkood guryaha laga cararay.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST