Maxaa ka jira in Duullimaadyadii Puntland imaan jiray la joojiyay?

Wasiir Ilyaas Cismaan Lugatoor

Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada dowladda Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor (Gabiley) oo la hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa beeniyay warar lagu qoray baraha bulshada oo sheegayay, in dhammaan duullimaadyadii imaan jiray Puntland la joojiyay, kadib markii ay saameyn ku yeesheen roobabka dabaylaha wata.

Runtii, waxba kama jiraan Duullimaadyada Garoomadeenna iyo Hawadeennu waa caadi, saakana Air-boodhada diyaaraduhu way ka dageen. Subaxnimadii wax Air-boodh aan diyaaradihii tegi jiray ka wareejinay, waxaa jiray Air-boodhka Qardho oo roobabkii darted aan u wareejinnay Boosaaso.” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay, in saaka hal diyaarad oo ka degi lahayd Garoonka magaalada Qardho, loo wareejiyay dhinaca Garoonka Boosaaso, kadib markii uu roobku saamayn ku yeeshay, maadaama Garoonka Qardho uusan laami ahayn oo jileec laga dareemay.

Mudane Gebilay, ayaa sidoo kale sheegay in Sabtida maanta ah Garoonka Diyaaradaha Garoowe, ay si caadiya Duullimaadyadu uga socdeen, wixii ka horreeyay 11:00 Am, balse ay gelinkii dambe hakad yar uu ku yimid Duullimaadyaaasi, kadib markii roobku sii xoogaystay.

Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyya in diyaaradda Ethiopian Airline oo Sabtida maanta Duullimaad ku imaan lahayd Garoowe, ay u baaqatay hakad yar oo gelinkii dambe ku yimid Duullimaadyadii Garoonka.

Wasiirka ayaa caddeeyay, in dhammaan jadwalkii Duullimaadyadii berri qorshaysana in ay yimaadaan Garoomada Puntland ,aysan wax caqabad ah ka jirin, haddii aysan xaalad kale soo kordhin, balse haddii xaalad kale soo kororto markaasi go’aan laga gaari doono.

Halkaan ka daawo wareysiga Wasiirka

PUNTLAND POST