Shirka Golaha Wasiirada dowladda Puntland ee maanta oo Khamiis ah, ayaa looga hadlay xaaladda Roobabkii ka da’ay gobolka Gardafuu iyo sidii caawimaad deg deg ah, mudda saddex maalmood gudahooda loo gaarsiin lahaa shacabka gobolkaasi, sida uu sheegay Af-hayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani.
Af-hayeenka ayaa Sidoo kale tilmaamay, in shirka Golaha looga hadlay Guddiyada Golaha Xukuumadda oo isu diyaarinaya in ay Baarlamaanka uga warbixiyaan waxqabadka Xukuumadda 9-kii bilood ee lasoo dhaafay, Digniinta Dowladda ee Roobab Dabaylo wata oo la saadaaliyey in ay kusoo waajahanyihiin xeebaha Puntland iyo Horumarinta Garoomada Diyaaradaha Puntland.
Hoos ka daawo muuqalka oo dhan
PUNTLAND POST