Taliyaha Booliiska Puntland oo shaqada ka joojiyay Taliyihii Qeybta gobolka Nugaal

Taliyaha Ciidanka Booliiska dowladda Puntland S/Gaas muxiyadiin Axmed Aw-Muuse ayaa shaqada ka joojiyay Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Nugaal G/sare Mu’min Cabdi Shire.

Ilo’ dhanka Amniga ah oo warkan u xaqiijiyay Puntland Post ayaa sheegaya in labada mas’uul uu khilaaf hoose ka dhexeeyay todobaadyadii la soo dhaafay islamarkaana aysan wax wada-shaqeyn ah dhexmarin.

Taliye  Muxiyadiin ayaa dikreetada uu shaqada kaga joojiyay G/sare Mu’min Cabdi Shire (Ina Madaxweyne) waxa uu ku xusay in uu amar-diiddo sameeyay sidaasi darteedna shaqada looga joojiyay.

PUNTLAND POST