Ku-simaha madaxweynaha Puntland oo Taliye xigeen cusub u magacaabay Ciidanka madaxtooyada

G/dhexe Cabdiqani Maxamed Xarbi

Ku-simaha madaxweynaha, ahna madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa Taliye xigeen cusub u magacaabay Ciidanka madaxtooyada Puntland

Dikreeto ka soo baxday xafiiska Ku-simaha madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) oo ku taariikhaysan 4 December 2019, ayaa Taliye ku xigeenka cusub ee ciidanka madaxtooyada lagu magacaabay Gaashaanle Dhexe Cabdiqani Maxamed Xarbi.

Dikreetadan ayaa soo baxday, saacado kadib dikreeto kale oo ku-simaha madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan, uu ku magacaabay guddoomiyaha cusub ee gobolka Cayn, Guuleed Maxamed Nuux ( Guuleed San-weyne).

PUNTLAND POST