
Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xaqiijinaya in guddoomiyhii degmada Awdheegle Maxamed Yarow lagu dilay qarax miino.
Qaraxa miino waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex kamid ahaa ilaalada guddoomiyha geeriyooday.
Gudoomiyha geeriyooday ayaa qaraxa lala beegsaday xilli uu marayay inta u dhexaysa degmada Awdheegle iyo degaanka Sabiib oo isla Awdheegle ka tirsan.
Marxuum Maxamed Yarow ayaa in ka badan 6 sano wuxuu ahaa gudoomiyha degmada Awdheegle ee gobolkaasi Shabeellada Hoose.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.