Maxay kawada hadleen James Swan iyo Xasan Sheekh?

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ka baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in James Swan iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya iyo doorashooyinka hal qof iyo hal cod

“Xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasadda Soomaaliya, doorashooyinka hal qof iyo hal cod iyo muhiimadda hab siyaasadeed oo loo dhanyahay ayaa ka mid ahaa qodobadii looga hadlay maanta kulan Muqdisho ku dhexmaray Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska James Swan.

Beesha Caalamka ayaa muddooyinkii u dambeeyey wada hadal ka dhexwaday dowlada Federaalka, dowlada goboleedyada iyo xisbiyada mucaaradka oo khilaaf siyaasadeed u dhaxeeyo.

Beesha Caalamka ayaa daneynaysa in dhinacyadaasi ay isku afgartaan qaabka ay noqonayso doorashada soo socota ee 2020-2021.

PUNTLAND POST