Bangiga Amal oo mashruuc $90 million ku kacaya ka fulinaya Garowe

Bangiga Amal ayaa daahfuray mashruuca xaafada New Garowe taariikhdu markay ahayd 28/11/2019 magaalaada Garowe.

Mashruuca Xaafada New Garowe ayaa ah xaafad casri ah una naqshadaysan qaab deegaan iyo ganasiga oo leh adeegyadaan:-

1. Goobo Ganacsi, Suuqyo dhamaystiran

2.  Iskuulo iyo xarumo caafimaad oo tayo leh.

3. Wadooyin laami ah, dhiraysan lehna nalalka cadceeda.

 4. Masaajido, Dugsiyo Quraan.

5. Goobo cagaaran oo lagu nasto laguna jimicsado.

6. Biyo iyo Koronto la isku halayn karo.

7. Ilaalo Joogto ah 24/7, dayr wareegsan iyo xarun Boolis.

Guddoomiyaha Amal Bank Siciid Cali Shire ayaa sheegay in xaafada New Garowe ay noqon doonto mid la ilaaliyay tayada guryaha iyo dhismayaasha ayna u riyaaqi doonaan soona jiidan doonto macaamiisha iyo dadwaynaha dhamaantood, sidoo kale Guddoomiyaha Bangiga Amal Siciid Cali Shire ayaa iftiimiyay in xaafada New Garowe aysan ahayn mashruuc ku kooban Bangiga Amal ee uu yahay hormar ka dhaxaysa bulshada una furanyahay maalgashi iyo maalgalin intaba.

Xaafada New Garowe waxaa la filayaa inay soo kordhiso deegaamayn iyo maalgashi baaxad leh ayna ka faa’iidaysan doonaan dhamaan bulshada qaybaheeda. 

Daahfurka oo dadweyne kala duwan ka soo qayb galeen ayaa lagu soo bandhigay naqshada Xaafada New Garowe, qaab dhismeedka, nidaamka iibka iyo habka maalgashiga intaba. Sidoo kale maamulka Bangiga Amal ayaa cadeeyay inuu furay xisaabta maalgashiga (investment account) si macaamiisha uga faa’iidaystaan maalgashiga xaafada New Garowe.

Dhismaha Xaafada New Garowe oo iskugu jira saddex waji (3 Phases) ayaa noqon doontaa in ka badan labo kun (2,000) oo guryo casri ah lehna tayo, kuwaas oo ku kacaya hanti dhan $90 million.  

Martida goob-jooga u ahaa daahfurka oo uu ka mid ahaa Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay guryo casri ah ayna tahay hormar wayn oo wadanka kusoo kordhay taas oo loo baahanyhay in laga faa’iidaysto deegeemaynteedana laga qayb qaato.

Sidoo kale Dadwaynaha iyo martida kasoo qabgashay oo hadalo kala duwan ka jeediyay ayaa amaan balaaran u fidiyay Bangiga Amal hormarka uu wado iyo fursadaha uu u fidiyay bulshada sida maalgalinta iyo maalgashiga mashaariicda dhisamaha, beeraha iyo ganacsiga guud ahaan.

Hoos ka daawo muuqaal iyo sawiro xafladii daahfurka masharuucan oo dhameystiran.

PUNTLAND POST