Wasiir ka tirsan Somaliland oo yimid Taleex

Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa shalay yimid degmada Taleex ee gobolka Sool.

Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa markii uu soo gaaray Taleex la hadlay qaar kamid ah dadka deegaanka, wuxuuna ka hadlay arrimaha Somaliland uga qorsheysan Taleex.

Wasiir Koore oo ka soo jeeda gobolka Sool waxaa safar Taleex ku wehelinayey Hanad Xaashi oo ka tirsan Golaha deegaanka Hargeysa, kana mid ah dhalinyarada ay Madaxweyne Muuse isku deegaanka yihiin ee sheegta in ay madaxtooyada ku dhow yihiin.

Puntland iyo Somaliland ayaa muddo labaatan sano ka badan ku muransan gacan ku heynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxaana marar kala duwan ku dhexmaray dagaalo kharaar oo dhaliyey dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Hoos ka daawo hadal Koore ka jeediyey Taleex

PUNTLAND POST