Madaxweynaha Somaliland oo isku shaandhayn ku sameeyay Golihiisa Xukuumadda

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa isku dhaandhayn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada, isagoo xilalkii ka qaaday wasiiro ka tirsanaa xukuumaddiisa ,halka qaar kalena uu isku beddelay.

Dikreetooyin ka soo baxay Xafiiska madaxweynaha Somaliland ayaa xilalkii looga qaaday Wasiirada kala ah: Wasiirkii Caddaaladda Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax, Wasiirkii Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin), Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Cismaan Aadan Jaamac, Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Xuseen Ibraahim Xasan Buuni iyo Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame.

Sidoo kale, madaxweyne Biixi ayaa magacaabay 10 wasiir oo isugu jiray kuwa Wasaaradaha loo kala beddelay iyo kuwa cusub oo kala ah: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye Cige, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Maxamed Muuse Diiriye Wacays iyo Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Mustafe Maxamuud Cali Bile.

Waxa kale oo uu magacaabay Wasiir ku xigeenno kala ah: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf iyo hal La-taliye madaxweyne oo loo magacaabay Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, kaasi oo laga dhigay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka.

PUNTLAND POST