Dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab oo la sheegay in lagu laayay gobolka Gedo

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in ay nawaaxiga degmada Baardheere ee gobolkaasi ku dileen Lix xubnood oo ka tirsanaa dagaallamayaasha Al-Shabaab.

Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cali Cabdullaahi oo taliye u ah ciidanka ku sugan degmada Baardheere ayaa warbaahinta  u sheegay in weerar ay iyagu qaadeen kadib markii ay xog ka heleen Dadka degaanka.

Dadka degaanka ayaa noo sheegay in Argagixisadu ay ku qasbaan in ay bixiyaan canshuur xoog ah, ciidankeenuna waa ay weerareen, iska hor imaad ka dib waxaanu halkaasi kaga dilnay Lix xubnood” ayuu yiri Cali.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka dowladdu ay halkaasi ku gubeen laba kamid ah gaadiidka nooca dagaalka ah oo Shabaabku wateen isagoo xusay degaanka laga saaray Al-shabaab.

PUNTLAND POST