XOG: Khilaaf ka dhex qarxay Farmaajo iyo Khayre muxuu salka ku hayaa?

Ilo’ wareedyo kala duwan, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in uu khilaaf iyo kala shaki soo dhex-galay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre, tan iyo markii Farmaajo la kulmay madaxweynayaashii isaga ka horreeyay ee Xassan Sheikh iyo Sheikh Shariif.

Khilaafkaasi, ayaa sida la sheegayo ka dhashay shaki uu Ra’iisul wasaare Khayre ka muujiyay, kulamadii dhexmaray Farmaajo iyo labadii madaxweyne ee ka horreeyay, balse isaga aan wax door ah laga siin, islamarkaana booskiisi lagu beddelay Taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Ra’iisul wasaaraha, ayaa wixii xilligaasi ka dambeeyay bilaabay, abaabul xooggan oo ku wajahan in uu loollan adag la galo madaxweyne Farmaajo, isagoo aaminsan in uu jiro heshiis ka qarsoon oo ay si hoose u wada-galeen Farmaajo iyo madaxdii ka horraysay.

Dhankiisa, Fahad Yaasiin oo wakiil ka ah madaxweyne Farmaajo, ayaa dadaal badan ku bixinaya abaabul kale oo ka dhan ah Qorshaha Mr Khayre, kadib markii la ogaaday hawlaha uu wado Ra’iisul wasaaraha, waxaana sida la sheegayo labada dhinac la kala safan xubno ka tirsan Golayaasha Baarlamanka iyo sidoo kale Xukuumadda.

Sidoo kale, Khilaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, ayaa saameyn xun ku yeeshay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo bilaabay kala shaki iyo is kooxaysi ku aaddan in ay la kala saftaan labada mas’uul.

Xubno ka war-haya khilaafka Farmaajo iyo Khayre, ayaa rumaysan in uu salka ku hayo loollanka doorashada soo socota ee 2020/2021-ka, taasi oo mid walba shaki ka qabo kan kale, in uu hoose ka wato ajandayaal qarsoon, oo ku wajahan loollanka doorashadaasi.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Khayre, oo marar kala duwan ku faanay, in ay dhex-dooda muran iyo khilaaf ka ilaaliyeen, waxa haatan la sheegaya in khilaafkoodu gaaray heer aysan wada-hadlin.

Inkastoo khilaafka huursan ee labada mas’uul, aysan cidna qiyaasi karin halka uu ku dambeyn doono iyo cidda libintu ku raaci doonto loollanka adag dhex-dooda ka bilowday.

PUNTLAND POST