Puntland oo garoonka diyaaradaha Garowe heshiis kula gashay shirkad Ajnabi ah

Puntland ayaa garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe heshiis hor-dhac ah kula gashay shirkad Ajnabi ah.

Bayaan kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland iyo shirkadda Frontier Services Group kala saxiixdeen heshiis is-afgarad oo lagu hormarinayo garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe.

Marka laga yimaado warka Madaxtooyada, warar madax bannaan waxay sheegayaan in shirkadda Frontier Services Group lagu wareejin doono garoonka diyaaraha Gen. Maxamed Abshir ee Garowe, taas oo hadda ka dib maamuli doonta.

Frontier Services Group Limited waa shirkad maalgashi oo fadhigeedu yahay Hong Kong, waxayna ka shaqeysa amniga, saadka iyo ganacsiga macluumaadka.

Shirkaddan ayaa inta badan ka shaqeysa ganacsiga Afrika iyo Yurub, waxayna ku lug leedahay bixinta suuq geynta iyo adeegyada horumarinta ganacsiga, iyo sidoo kale bixinta adeegyada xamuulka rarka.

Frontier Services Group Limited waxaa asaasay Erik Prince oo ahaa madaxii hore ee Blackwater Worldwide.

Prince waxa uu dowladda Imaaraadka Wakiil uga ahaa mashruucii Sarecen ee lagu dhisay ciidamada badda Puntland ee PMPF.

Puntland ayaa sidaan oo kale dhawaan shirkad Imaaraad ah heshiis noocaan ah kula gashay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso.

PUMTLAND POST