
Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya, oo shalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa meel mariyay Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda dalka.
Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tecnolojiyadda oo Golaha u gudbisay Xeerkaasi, ayaa soo dhoweysay ansixinta Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta, taas oo ah middii ugu horreysay ee uu Dalku yeesho.
Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in siyaasaddan ay ku timid wada-tashiyo muddo dheer qaadatay oo lala yeeshay dhammaan daneeyayaasha kala duwan ee siyaasaddan.
Mudane. Canshuur ayaa xusay in dalka Soomaaliya uu leeyahay mid ka mid ah Isgaarsiinta ugu casrisan Qaaraddan Afrika, hase yeeshee ay ku shaqeyn jireen Suuq uusan ka jirin sharci iyo siyaasad, balse Saddexdii Sano ee la soo dhaafay ay Wasaaraddu waqti galisay sidii loo sameyn lahaa nidaamkii iyo sharcigii lagu dhaqi lahaa shirkadaha.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa u mahadceliyay Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Siyaasaddan, wasaaradaha Isgaarsiinta ee dowlad goboleedyada, daneeyeyaasha kale ee fikirkooda ka soo dhiibtay muddadii wada-tashiyada iyo Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo taageero farsamo ku caawisay sidii loo heli lahaa siyaasad casri ah.
Halkaan ka akhriso Istaraatiijiyadda Goluhu Ansixiyay
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.