Shir Madaxeedka Hoggaamiyaasha Urur gobolleedka IGAD oo maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya,  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo ay maanta kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Caadiga ah ee Urur Goboleedka IGAD.

Hoggaamiyaasha  dalalka IGAD ayaa shir-madaxeedaasi uga arrinsanaya, qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay.

Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada Dhaqaalaha iyo Nabad galyada.

Waxa kale oo hoggaamiyeyaasha IGAD ay iska xog-wareysan doonaan  qorsheyaasha ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo xasaradaha ka jira waddamada Gobolka, waxaana  warbixinno looga dhegaysan doona Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa madaxda dalalka IGAD la wadaagi doona , aragtida dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah ee dalalka Gobolka. Sidaasi waxaa sheegtay Villa Somalia.

Sidoo kale, Inta shirkan lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee kasoo qeyb galaya shirkan.

PUNTLAND POST