Ugu yaraan 5 ruux ayaa dhintay,4 kalena waa ku dhaawacmeen dab Arbacadii shalay ka kacay xaafad ku taalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka.
Dabkan ayaa ka kacay Daar ay ku nool yihiin dadka waayeelka ah iyo dadka kaligood nool oo ku taalla xaafadda Cedar ee magalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.
Maxamuud Noor oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka oo la hadlay VOA-da, ayaa sheegay in 5 ruux ee ku geeriyooday dabkaasi ay 4 kamid ah Soomaali yihiin halka qof 5-aadna uu Oromo yahay.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in uu socdo baaritaan lagu hayo sababta dhalisay dabka iyo sidoo kale baaxadda khasaaraha rasmiga ah ee uu gaystay, isagoo xusay in dib laga soo bandhigi doono xogta oo dhammaystiran.
PUNTLAND POST