
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa caawa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kula kulmay Mette Knudsen oo ah Safiiradda dowlada Denmark u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Eritrea iyo Seychelles .
War-saxaafadeed ka soo baxay Jubaland, ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu ayaa Safiiradda warbixin kooban ka siiyay xaalada guud ee Jubbaland, doorashadii Jubaland ka dhacday iyo Xaalada Siyaasadeed ee hadda dalku marayo.
War-saxaafadeedka ayaa intaasi ku daray, in madaxweynaha Jubaland uu safiiradda la wadaagay aragtida Jubbaland ee doorashada 2020/2021 iyo qaabka ugu haboon ee doorasho loo wada dhanyahay maangalna ah loo suuro galin karo, taas oo uu sheegay inay u baahantahay heshiis siyaasadeed oo dhexmara dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.
Sidoo kale, Mrs. Mette Knudsen ayaa sheegtay in danta Soomaaliya iyo tan beesha caalamkuba kujirto in wada shaqeyn rasmi ahi dhex marto dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo gaaro yoolalka la hiigsanayo dalkana loo xoreeyo argagixisada, sida lagu xusay war-saxaafadeedka Jubaland.
Madaxweynaha ayaa ugu danbeyn uga mahadceliyey dowladda Denmark mashaariicda hormarineed ee ay ka wado Jubbaland oo uu ugu horreeyo mashruuca Kalluumeysiga oo ay hay’adda DRC waxbadan ka qabatey.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.