Gaalkacyo: Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo xoog kula baxay maxaabiis xukuman

Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Mudug ee dowladda Puntland, G/sare Jaamac Maxamed Axmed oo waresyi siiyay Puntland Post, ayaa eedayn kulul u jeediyay ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan gobolka Mudug oo uu sheegay in ay shalay weerar ku qaadeen Maxkamadda magaalada Gaalkacyo, islamarkaana xoog kula baxeen maxaabiis ku eedaysan in ay Khamriga ka ganacsadaan oo Maxkamaddu xukuntay.

Taliyaha ayaa sheegay, in ciidan hubaysan oo Daraawiishta Puntland iyo malayshiya-beeleed ka kooban ay weerar ku qaadeen xarunta Maxkamadda degmada Gaalkacyo oo markaasi xukuntay laba eedaysane oo lagu helay ka ganacsiga Khamriga, kadibna ay gudaha Maxkamadda xoog ugala baxeen labadii xukmane.

G/sare Jaamac Maxamed Axmed, ayaa tilmaamay in Booliiska magaalada Gaalkacyo ay weerarkaasi ku qabteen, mid kamid ah ciidankii Daraawiishta Puntland ee xoogga ku soo galay Maxkamadda, balse aan lagu guulaysan in la soo qabto labadii xukmane ee ciidankaasi kala baxeen gudaha Maxkamadda.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Booliiska gobolka Mudug ay ka shaqeyn la’ yihiin, ciidanka Daraawiishta Puntland ee ku sugan gobolka oo uu ku eedeeyay in ay qeyb- ka yihiin Khamriga  iyo daroogada la soo geliy gudaha magaalada Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee gobolkaasi.

Waxa kale oo uu caddeeyay, in uu dacwad ka dhana ciidanka Daraawiishta u gudbiyay Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Yuusuf, si wax looga qabto dhibaatada ay Gaalkacyo ka wadaan ciidanka Daraawiishta sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Taliyaha ayaa ka warbixiyay in ka badan 1500 oo dhalo oo Khamriya, kaasi oo saaka lagu gubay Gaalkacyo, kadib markii ay soo qabteen ciidanka Booliiska gobolka Mudug.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST