Farmaajo oo u safray Itoobiya

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD.

Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay.

Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada.

Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa iska xog-wareysan doona qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyaga oo warbixinno ka dhageysanaya Guddi madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagaya Madaxda dalalka IGAD, aragtida dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah ee dalalka Gobolka.

Inta shirkan lagu guda jiro, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee ka soo qeyb galaya shirkan.

PUNTLAND POST