Ilo’ wareedyo muhiima, ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyay, in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu bisha soo socota December, socdaalkii ugu horreeyay tan iyo markii la doortay uu ku tegi doono magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Madaxweyne Deni oo haatan ku sugan magaalada Dubai ee xarunta Ganacsiga waddanka Imaaraatiga, halkaasina u jooga arrimo la xiriira Qandaraaska shirkadda PDG oo qaabilsan Adeega iyo Saadka ciidanka PMPF, ayaa sida la filayo maalmaha soo socda dib ugu soo laabanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Ka hor intaan madaxweynaha Puntland u dhoofin waddanka Imaraadka Carabta, ayaa la xaqiijiyay in ay khadka Taleefonka ku wad-hadleen Deni iyo Farmaajo, islamarkaana ay isla garteen in madaxweyne Deni uu bisha soo socota ee December Muqdisho yimaado, si looga wada-hadlo arrimaha ay ku muransan yihiin dowlad goboleedyada iyo Villa Somalia.
Balse, weli xog sugan lagama hayo qodobada ugu muhiimsan oo miiska u saran labada dhinac ee Puntland iyo dowladda Federaalka, marka laga reebo qaar kamid ah dadka siyaasadda odorosa oo sheegaya in doorashada 2020/2021 iyo Xallinta Khilaafka Jubaland ay kamid noqon doonaan qodobada laga wada-hadli doono.
PUNTLAND POST