Xiisad ka aloosan magaalada Dhuusamareeb

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, ayaa  sheegaya in halkaasi ay ka aloosantahay xiisad siyaasadeed oo u dhexaysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Ahlu-Sunna.

Xiisadda ayaa salka ku haysa, is-mari-waa ku aaddan dhismaha dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaanna arrimaha doorashada, waxaana hoggaanka Ahlu-sunna ka biya-diidsanyahay, sida Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay u maamulayso doorashada maamulkaasi Galmudug.

 Guddiga doorashada Galmudug ee ay magacowday dowladda, ayaa todobaadkan shaaciyay, hab raaca doorashada iyo soo xulista xidhibaannada, taasi oo ay ku gacan-sayreen hoggaanka sare ee Ahlu-sunna.

Iyadoo khilaafkaasi taaganyahay, ayaa haddana dowladda Federaalku waxay ku adkaysanaysaa in doorashada, sidaasi lagu qaban doono, islamarkaana ay wakhtigeeda ku dhacayso.

Sidoo kale, dowladdu waxay xoojisay amniga magaalooyinka waaweyn ee gobolka Galgaduud, gaar ahaanna degmada Dhuusamareeb, iyadoo halkaasi ku daabushay ciidamo dheeraad ah, kana mamnuucday in shirar aan laamaha amnigu ogayn in la qabto.

Tallaabadaasi, ayaa loo fasiray mid cadaadis dowladdu ku saarayso hoggaanka sare ee Culimaa’uddiinka Ahlu-sunna, si ay ugu hoggaansaman nidaamka ay Villa Somalia u maamulayso doorashada Galmudug.

PUNTLAND POST