Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyeyn Wasiir ku xigeenka Dekedaha, Guddoomiye ku xigeenka RugtaGganacsiga iyo Xubno ka socday mashruuca lagu magacaabo GEEL , ayaa maanta magaalada Muqdisho ka Daah-furay mashruuca dhoofinta Mooska.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka dowladda Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid oo ka hadlay munaasabadda Daah-furka dhoofinta Mooska oo ka qabsoontay dekedda Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in shaqadan ay qeyb ka tahay qorshaha ay Dowladdu ku dhiiri-gelineyso wax soo saarka dalka.
Mudane Ciid, ayaa Beeraleyda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kordhiyaan wax soo saarkooda, si uu dalku u gaaro isku filnaasho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.
Intii lagu gudo jiray munaasabaddan, ayaa dekedda Muqdisho waxaa laga dhoofiyay Laba Konteenar oo horudhac ah oo ay hubinta tayadoodu iska kaashadeen Wasaaradda Beeraha, Shirkadda GEEL Project iyo ganacsato Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Beeraha, kaas oo si tijaabo ah loogu diray dalka Sacuudi Carabiya.
Mooska oo ka mida dalagyada ka soo baxa dalka, ayaa Soomaaliya laga dhoofin jiray 30 Sano ka hor, waxaana soo celinta iib-geyntiisa lagu tilmaamay mid faa’iida weyn u ah dhaqaalaha guud ahan waddanka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.