
Taliska Qeybta Booliiska gobolka Bari, ayaa maanta magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ku soo bandhigay, hubka garneylada gacanta laga tuuro oo ciidanka Booliisku ay ka soo qabteen gudaha magaalada.
Taliyaha Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali Maxamuud oo ka warbixiyay hubka ay soo bandhigeen, ayaa sheegay in hawlgallo ciidanka Booliisku ka sameeyeen xaafadaha Boosaaso, ay u suura-geshay in ay soo qabtaan garneyladan gacanta laga tuuro ah, kuwaasi oo kooxihii sitay ay ka carareen.
Taliyaha ayaa tilmaamay, in kooxo argagixiso ah oo hubkan ku qarinayey xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso, ay bannaanka u soo saareen, dabadeedna luuqya cidlo ah uga carareen, kadib markii ay ogaadeen in ciidanku baaritaan ku wadaan guryaha magaalada.
Sidoo kale, Taliyaha ayaa warbaahinta u soo bandhigay dad loo soo qa-qabtay dhac iyo furasho ay gudaha Boosaaso ka wadeen, gaar ahaanna dhalinyaro ku eedaysan in ay habeenkii dhac u gaysan jireen shacabka magaalada Boosaaso.
Dadka ku eedaysan dhaca iyo furashada dadweynaha ayaa qaarkood lagu soo qabtay Khamro iyo maandooriyaal kale oo ay adeegsan jireen, waxaana taliyuhu sheegay in dhowaan sharciga la hor-geyn doono.
Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.