Saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka ayaa walaac weyn ka muujisay muddo kororsigii ay dhawaan sameysteen labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland
Qoraal ay wada jir u soo saareen Qaramada Midoobay, Urur gobolleedka IGAD, Midowga Yurub, Ingiriiska, Mareykanka, Jarmalka, Norway, Ireland, Belgium, Sweden, Denmark, Netherlands, Finland, France, Italy, Greece iyo Switzerland ayaa lagu sheegay walaaca ay qabaan dalalka Somaliland ka taageera horumarka iyo dimuqraadiyadda ee ku saabsan dib u dhaca doorashooyinka golayaasha wakiilladda iyo deegaanka.
Beesha Caalamka ayaa xustay in sida kaliya ay ku sii wada shaqeyn karaan Somaliland ay tahay in doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka lagu qabto wakhtigii horey loogu ballamay ee sanadka soo socda 2020-ka.
Beesha Caalamka ayaa xustay in uusan jirin dal dimuqraaddi ah oo golayaashiisa Wakiiladda ay muddo intaas la’eg doorasho la’aan ku fadhiyaan kuraasta.
Waxay Beesha Caalamku ugu baaqday Somaliland in la dhiso Guddi doorasho oo qabta doorashooyinka golayaasha Wakiilladda iyo deegaanka, ayna qeyb ka yihiin dhammaan jilayaasha siyaasadda Somaliland.
Sidoo kale Beesha caalamku waxay walaac weyn ka muujiyeen xariga sii kordhaya iyo xadidida xorriyatul qawlka ee Somaliland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.