Agaasimihii Maamulka Maaliyadda xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Cali Guure ayaa sabtidii la dhaafay 23 November 2019 dhaawac culus ka soo gaaray qarax loogu xiray gaarigiisa.
Agaasime Cabdullaahi ayaa gaarigiisa dhaqmo u geystay Geerash ku yaalla aaga Via Roma ee magaalada Muqisho, kadibna waxaa loogu xiray qarax (Bom).
Cabdullaahi Abuukar Cali Guure ayaa qaraxaas ku waayey mid kamid ah labadiisa lugood, wuxuuna hadda dhaawaciisu yaallaa Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana loo qaadi doonaa maalmaha soo socda dalka Turkiga, sida ay ogaatay PUNTLAND POST.
Sidoo kale PUNTLAND POST ayaa ogaatay in falkan loo xiray labo nin oo ka mid ah ragii ka shaqeynayey Geerashka.
Qaraxa uu dhaawaca culus ka soo gaaray Agaasimihii Maamulka Maaliyadda xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee Qaranka waxaa og Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Balse waxaa la yaab noqotay markii ay qaraxan khasaaraha geystay qariyeen warbaahinta gudaha oo ilaa iyo hadda aan sheegin.
Waxaa xusid mudan maalinta qaraxan dhacay 23 November 2019, in uu magaalada Muqdisho ka dhacay qarax kale oo gaari lagu xiray, kaas oo isaga la baahiyey.
Bishan November horaanteedii Agaasimaha hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin ayaa kulan qarsoodi ah magaalada Muqdisho kula qaatay agaasimeyaasha iyo tafaftireyaasha warbaahinta madaxa bannaan, wuxuuna kala hadlay sida aan xogta ku helnay in aysan baahin wararka mucaaradka, qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ayaa inta badan ka gaabsata in ay ka hadasho ama wax laga weydiiyo arrimaha dalka ka socda.
© PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.