Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 25-11-2019 Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka u magacaabay Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.
Haddaba warbaahinta Qaranka ayaa soo bandhigtay taariikh kooban oo laga sameeyey Xeer Ilaaliyaha cusub ee Qaranka Soomaaliya.
Magaciisa oo buuxa waa Sulaymaan Maxamed Maxamuud, waxaa uu ku dhashay degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal sanadku markuu ahaa 1982.
Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare waxaa uu ku qaatay isla Buurtinle waxa uuna Dugsiga Sare dhameeyay 2003.
Heerka koowaad ee Jaamacadda waxa uu ku soo qaatay Dalka Baakistaan gaar ahaan Islamabad asaga oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Caalamiga ah ee Islaamka, kulliyadda Shareecadda iyo Qanuunka ayuu bartay Waxa uu ka qalin jabiyay jaamacadda sanadii 2009.
Shahaadada labaad isla Jaamacadda ayuu ku sameeyay asaga oo qaatay shahaadada LLM, sanadkii 2012. Jaamacada AL Hamd University oo ku taal Dalka Baakistaan gaar ahaan magaaladada Islamabad ayuu ka qaatay shahaadda B.EDUCATION Sanadii 2013.
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u magacaabay inuu Garsoore ka noqdo Maxkamadda Sare taariikhdu markii ay ahayd Dec. 2018.
Waxa uu ka soo shaqeeyey hay’ado dhowr ah iyadoo aan ka xusi karno, kuwan soo socda.
Garyaqaan Xeerarka Rayidka ah iyo Dembiyada ayuu kaga soo shaqeeyey dalka Bakistan.
Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Islaamabaad-Bakistan 2013.
Lataliye Sharci ayuu kula shaqeeyay dowladda Puntland.
Waxaa uu soo noqday Hormuudkii Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, ahna bare ka tirsanaa, Jaamacadda PSU ee Garowe.
Waxaa uu soo noqday Lataliye dhanka Sharciga ah,Guddiga madaxa bannaan ee dibu eegista Dastuurka, 2018
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.