
Guddoomiyaha degmada Gumbax ee gobolka Guardafui, Cismaan Maxamed Balli oo saaka wareysi siiyay Puntland Post, ayaa sheegay in degaankaasi iyo guud ahaan gobolka Guardafui ay ka jirto xaalad go’doon ah, kadib markii roobab mahiiggaana gooyeen waddooyinkii halbawlaha u ahaa, isu-socodka gaadiidka ee gobolkaasi.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in mudda 15 beri ah, aysan jirin wax gaadiid ah oo degmada Gumbax iyo guud ahaan gobolka Guardafui uga yimid dhinaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, Kadin markii roobab xooggan oo halkaasi ka da’ay ay gebi ahaanba jareen waddooyinkii soo geli jiray gobolka.
“ In 15 beri ah, waxa weeye gobolka Guardafui iyo degmadan Gumbax wax baabuur ah oo yimid oo Boosaaso uga yimid oo badeecad u keenay ma jiraan. Dhibaatada dhacdayna waxa weeye, waddooyinkii baa go’ay, awalna hadde dalku waddooyin ma lahayn, kuwa macmil dadku ka shaqeeyo oo hadba meel dhagax saaro oo dhagax ka qaado ayay ahayd” ayuu yiri guddoomiyaha.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in degmada Gumbax ay ka go’doonsantahay dhinaca Badda ee loo baxsan lahaa wakhtigaan oo kale, kadib markii maraakiib iyo doomo jariif ah ay kalluumaysatadii degaanka u diideen in ay foodda geliyaan gudaha Badda, islamarkaana hadda kalluumaysatadii ay gidaarada iska fadhiyaan.
Hoos ka daawo wareysiga guddoomiyaha oo dhan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.