
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Puntland oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda, maamulka gobolka Guardafui, waxgarad, Nabaddoono, Ganacsato iyo saraakiil ka socotay hay’adaha ka hawlgala Puntland, ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeeshay, xaaladda gobolka Guardafui oo go’doon ku jirta, kadib markii roobab mahiiggaana oo halkaasi ka da’ay ay gebi ahaanba gooyeen waddooyinkii gobolkaasi.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Boosaso, ayaa looga arrinsaday sidii looga jawaabi-lahaa go’doonka haysta gobolka Guardafui oo dhammaan waddooyinkii geli jiray ay gooyeen roobab xooggan oo maalmihii u dambeeyay halkaasi ka da’ay iyo sidii loogu gurman lahaa shacabka ku nool degmooyinka Guardafui ee go’doonsan.
Haddaba, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladda Puntland, Maxamed Axmed Kulan oo wareysi siiyay Puntland Post, ayaa ka warbixiyay qodobada ay uga hadleen kulankaasi iyo tallaabooyinka ay qaadi doonto Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.
Wasiirka ayaa sheegay, in kulankooda ay uga arrinsadeen, sidii wax looga qaban-lahaa waddooyinkii geli jiray degmooyinka gobolka Guardafui ee ku xirmay roobabka iyo sidii loo caawin lahaa shacabka ku dhaqan gobolkaasi ee go’doonsan.
Halkaan ka daawo wareysiga Wasiirka oo dhan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.