Magacyada Guddiga Puntland u magacowday Gurmadka Waxyeelladii Roobabka oo la shaaciyay

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka duulaya xaaladda hada taagan ee roobabka lixaadka ee sababay burburka wadooyinka guud ahaan Puntland gaar ahaana Gobolka Gardafuu, wuxuu magacaabay guddiga gurmadka deg dega ah oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano, Culimo iyo Bulshada Rayidka ah ee Puntland.

Guddigaasi oo ka shaqeyn doona sidii loo gaarsiin lahaa gurmad shacabka ay waxyeeleeyeen Roobabku iyo wax ka qabashada jidadka go’ay.

Waxay kala yihiin Guddigaasi:-

1. Axmed Bashiir Muuse, Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guriyeeynta Puntland (Guddoomiyaha Guddiga).

2. Faarax Maxamuud Cawaash, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland
(Xubin)

3. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta (Xubin)

4. Xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Muuse (Xubin)

5. Xildhibaan Muuse Siciid Xasan (Xubin)

6. Shiikh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur (Xubin)

7. Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey (Xubin)

PUNTLAND POST