Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda UNDP, oo ay hogaaminayso Ku-xigeenka Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Jacqueline Olweya.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Ku-xigeenka Madaxa UNDP ee Soomaaliya Jacqueline Olweya ayaa ka wada hadlay mashaariicda hada socda ee UNDP ka wado Puntland iyo kuwa qorsheysan in la fuliyo.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo uga mahadceliyey UNDP mashaariicda ay ka wado Puntland, ayaa u gudbiyey Madaxda UNDP in waxqabadkooda ay ku saleeyaan hadba baahida ka jira deegaanada.
Kulanka uu Madaxweyne ku-xigeen Axmed Karaash la yeeshay Ku-xigeenka Madaxa UNDP ee Soomaaliya Jacqueline Olweya, waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wakiilka UNDP ee Puntland Muuse Ducaalle iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.




PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.