Kalluumeysatada Bender-beyla oo ka cabanaya doomo hubaysan oo xaaluf ba’an ku haya xeebaha degmadaasi

Degaanno ku teedsan xeebaha gobolka Karkaar ee Puntland, ayaa cabanayaa kalluumaysto ka yimid meelo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan, kuwaasi oo xeebaha gobolka Karkaar kaga jillaabanaya qalab mamnuuc ah oo xaaluf ba’an u gaysanaya Kalluunka.

Kalluumaysato ku sugan degmada Bander-Beyla iyo tuulooyinka  hoos yimaada ee Kulule iyo Durdura oo la hadlay warbaahinta Puntland Post, ayaa sheegay in ay xeebaha degaannadooda ay soo buux-dhaafiyeen doomo kalluumaysi oo wata qalab mamnuuc ka ah badda, kuwaasi oo jariifaya Kalluunka noocyadiisa kala duwan.

Waxa kale oo ay sheegeen, in doomaha ay saaran yihiin kalluumeysato Soomaaliyeed oo isaga yimid degaanno kala duwan, islamarkaana watay ilaalo hubaysan oo cabsi ku abuurtay kalluumaysatadii degaanka u dhashay, kuna hanjabaya in ay xoog kaga kalluumaysanayaan halkaasi.

Haddaba, Warbaahinta Puntland Post ayaa arrintaasi ka wareysatay, guddoomiyaha degmada Bander-Beyla ee gobolka Karkaar, Siciid Aadan Cali (Anteeno) oo isna dhankiisa faahfaahin ka bixiyay dadka laga cabanayo iyo dhibaatada ay ku hayaan Xeebaha degmada Bander-Beyla iyo tuulooyinka hoos yimaada.

Hoos ka daawo wareysiga guddoomiyaha

PUNTLAND POST