Maxaad ka taqaanaa Golayaasha Wakiiladda Somaliland ee aan dhicin?

Iyadoo dhawaanahan ay Somaliland ka taagnaayeen is-maandhaaf siyaasadeed oo la xiriira wakhtiga la qabanayo doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka iyo Guddida doorashooyinka Somaliland oo aan lagu heshiin, ayaa maanta Golaha Guurtidu ay soo saartay go’aan ay muddo kordhin ugu samaysay golayaasha wakiilladda Somaliland.

Golayaasha Wakiiladda Somaliland

Sida caadiga ah Golaha Baarlamaanka Somaliland waxaa loo qeybiyaa labo Golle oo kala ah, Golaha Guurtida (Golaha Sare) oo ah golaha duqeyda, iyo Golaha Wakiiladda (Golaha Hoose).

Labada Golle oo u wada shaqeeya si toos ah ayaa waxay leeyihiin 82 xubnood iyo gudoon u gaar ah mid kasta, Golaha Wakiilada waxaa Gudoomiye u ah Baashe Maxamed Faarax, kaas oo ah gudoonkii labaad ee gollahan doortaan, halka Golaha Guurtida uu Guddoomiye u yahay Saleebaan Maxamuud Aadan.

Golaha Wakiiladda Somaliland

Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa la doortay bishii sagaalaad 2005, waxay ahayd in ay kuraasta ku fadhiyaan 5 sanadood oo ku ekeyd 2010, laakiin waxaa muddo kordhin loo sameeyey markii lixaad.

12 sano oo kordhin ah

Markii ugu horeysay waxaa loo kordhiyay laba sannadood oo ka bilaabantay 30/10/2010, kuna beegnayd 30/6/2013, markii labaad waxaa loo kordhiyay laba sannadood bil iyo 27 maalmood oo ku beegnayd 2/27/2015, markii saddexaad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo kaga eekayd 27/10/2017.
Markii afraad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo iyaduna kaga beegan 28/4/2019, markii shanaad ayaaa loo kordhiyey 28/4/209 kagana ekeyd  12/1/2020.

Markii lixaad ayaa maanta loo kordhiyey labo sanadood oo ka bilaamaysa 12/1/2020, kuna eg 12/1/2022.

Golaha Guurtida Somaliland

Golaha Guurtida Somaliland waxaa la sameeyey ka hor aasaaskii Somaliland, waxaana la sharciyeeyey 1993-dii.

Golaha Guurtida Somaliland dadkii lagu asaasay waxaa kaga jira hadda oo keliya wax ka yar 10 xubnood, iyadoo intooda badan ay geeriyoodeen, waxaana qofkii dhinta dhaxal ahaan loogu baddelaa mid kamid ah eheladiisa.

Golaha Guurtida Somaliland muddo xileedkooda wuxuu ahaa lix sano, balse ma jirto xeer loo sameeyay sida loo soo dooranayo.

Golaha Guurtida Somaliland waxay muddo korarsi sameysanayeen tan iyo 1999-kii.

Shaqada Golaha Guurtida Somaliland

Aqalka Guurtida Somaliland ayaa loogu talagalay inay xil kordhin u sameeyaan Golaha Wakiillada (Golaha Hoose) iyo Xukuumadda, haddii laga cabsado inuu khalkhal yimaado, ama xilligeedii ay ku qabsoomi weydo doorashada.

PUNTLANDD POST