Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa saaka oo Axad ah u dhoofay magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.
Wefdiga madaxweynaha oo ka ambabaxay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, ayaa si toos ah uga degi doona magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, taasi oo mar kale jebinaysa amarkii xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ahaa, in diyaaradaha u socda Kismaayo iyo kuwa ka baxaya labaduba ay soo maraan magaalada Muqdisho.
Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyay ee madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu dalka uga baxo, tan iyo markii dib loo doortay bishii Agoosto ee sannadkan doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo ee muranka dhalisay, islamarkaana ay qaaddacday xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sheegtay in aysan aqoonsaneyn natiijadii ka soo baxday.
Wararka laga helayo magaaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in safarka madaxweynaha Jubaland uu la xiriiro arrimaha Siyaasadeed oo ku gedaaman Jubaland, gaar ahaanna arrimaha ka aloosan degmooyin ka tirsan gobolka Gedo, halkaasi oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka waddo Fawdo iyo khalkhal gelin la xiriirta in beelaha gobolkaasi laga horkeeno dowlad goboleedka Jubaland.
PUNTLAND POST