Muxaadiradii Sheekh Umal ee Muqdisho oo mar kale la baajiyey

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii labaad baajisay muxaadiro uu magaalada Muqdisho ku qaban lahaa Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Wasiirka Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ku dhawaaqday in ay guud ahaan baaqatay muxaadaro maalinta berri oo Axad ah lagu waday in uu garoonka kubbadda cagta Eng. Yariisow ku qabto Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Wasiir Khadiija ma cadeyn sababta loo baajiyey, laakiin waxa ay shaacisay in aysan jiri doonin muxaadaro uu berri qaban doono Sheekh Umal, waxayna xustay in uu arrintaas faahfaahin doono Wasiirka Diinta Xukuumadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay shaacisay in Sabtida oo maanta ahayđ ay dhici doonto muxaadarada Sheekh Umal ee Muqdaho, balse shalay oo Jamce ahayd ayey mar kale sheegtay dowladdu in ay dhaceyso Axadda, iyadoo Guddi u xilsaartay qaban qaabada iyo qabsoomida muxaadaradaas.

Mar kale ayaa hadda la joojiyey muxaaradaas, waxaana muuqata in gabi ahaanba la joojiyey muxaadiradii uu Sheekh Umal ku qaban lahaa Muqdisho.

Muxaadarada Sheekh Umal ayaa buuq badan dhalisay waxaana ka soo hor-jeeday culimadda Suufiyada, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso muxaadaradaas, haddii la qabtana ay wixii ka dhasha mas’uuliyadeeda qaadi doonto dowladdu.

PUNTLAND POST