Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa xukuumadda federaalka ku eedeeyay in ay fara-gelin ku hayso degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo ay ka arrimiso Jubaland.
Madaxweyne ku xigeenka oo wareysi siiyay BBC-da ayaa beeniyay in ay jiraan ciidamo iyo mas’uuliyiin ku sugan gobolka Gedo oo ka goostay dowlad goboleedka Jubaland kuna biiray dowladda Federaalka Soomaaliya
Balse wuxuu sheegay in haddii ay jiraan mas’uuliyiin culays lagu saaray in ay Jubaland ka tegaan oo dowladda federaalka isu dhiibaan ay arrintaasi xor u tahay isagoo intaasi raaciyay in mas’uulkii ka tirsan Jubaland ee dowladda Federaalka isu dhiiba ay booskiisa qof kale u magacaaban doonaan.
Mar wax laga weydiiyay sababta uu u tegi waayay degmooyinka gobolka Gedo ee Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow oo ka tirsan Jubaland ayuu Maxamuud Sayid Aadan sheegay in uusan doonayn in rabshado ay halkaasi ka dhacaan.
Xiisadda siyaasadeed ee degmooyinkaasi galbeedka gobolka Gedo ayaa ka dhashay xarig bilo ka hor magaalada Muqdisho loogu geystay wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan oo ilaa iyo haatan u xiran dowladda federaalka.
Wixii intaa ka dambeeyay waxaa soo baxayay warar ah in ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland oo si toos ah uga amar qaadanayay Cabdirashiid Janan ay markii dambe ku biireen kuwa dowladda dhexe.
PUNTLAND POST