Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid Daraasad been abuur ah oo laga sameeyay Beeraha dalka

Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Iskaashatooyinka Beeraleyda ayaa si wada jir ah uga horyimid daraasad ay samaysay Jaamacad ku taala Waqooyiga Ireland, taas oo sheegtay in cuduro laga helay Galeyda iyo Masagada ka soo baxa Beeraha Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda Soomaaliya ayaa lagu cadeeyay in dalagyada dalku ay yihiin kuwa dabiici ah (organic) isla markaana warbixinta la soo saaray ay tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid oo ku saxiixan war-saxaafadeedka ayaa been abuur ku tilmaamay daraasadda sheegeysa in Galleyda iyo Masagada Soomaaliya laga helay cuduro.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

PUNTLAND POST