Jubaland oo sheegtay in ay soo qabteen shabakad argagixiso ah

Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa sheegtay in ay soo qabatay shabakad ka kamid ahayd kooxda Al-Shabaab oo dilal qorsheysan ka geystay magaaalada Kismaayo.

Howlgal ay sameeyeen ciidanka Nabad Sugida Jubbaland waxay sheegeen in ay  Gacanta ku soo dhigeen Maxamed Cabdullahi Abuukar iyo Cusmaan Maxamed Maxamuud oo ka tirsan Al-shabaab.

Labada xubnood ee  ciidanku qabteen ayaa sida saraakiishu tilmaameen waxa ay  gacanta kula jireen  fal dambiyeed waxaana ay siteen Bastoolado iyo qaraxyo.

Saraakiisha ayaa sidoo kale xusay in ay tageen goobo kayd u ahaa labada xubnood islamarkaana laga soo saaray 2 miino iyo 7 Bambo Gacmeed oo halkaasi ugu kaydsana.

Taliyaha hay’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland Korneyl Khaalid Shiikh Cabdullaahi ayaa shacabka Jubbaland kaga mahad celiyay sida ay ula shaqeeyaan ciidanka.

PUNTLAND POST