Al-shabaab oo qarax culus la eegatay ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka SHabeellada Hoose

Malayshiyaadka Al-shabaab, ayaa sheegay in ay 9 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku dileen, qarax ay kula eegteen gobolka Shabeellada Hoose.

Qoraal ka soo baxay Al-shabaab, ayay ku sheegeen in qaraxaasi ay ciidanka kula eegteen, degaanka Muuri oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxa ayaa haleelay gaari nooca loo yaqaan Taaw-ga, oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ee lagu taba-baro saldhiga Turkiga ee magaalada Muqdisho, sida ay Al-shabaab sheegtay.

Al-shabaab waxay sheegeen in 9 askari ku dhinteen 6 kalena ku dhaawacmeen weerarkaasi, inkastoo dowladda Federaalka Soomaaliya aysan weli dhankeeda wax war ah ka soo saarin.

Sidoo kale,  dadka degaanka Muuri ayaa laga soo xigtay in qarax culus halkaasi lagula eegtay ciidanka dowladda Federaalka, balse aysan ogayn khasaaraha gaaray.

PUNTLAND POST