Haya’dda xuquuqda Aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa shaacisay in ciidamada Amniga dowladda Iran ay dileen in ka badan 100 qof, oo qeyb ka ahaa dibad-baxyo ka dhan aha dowladda dalkaasi.
Tiradaaas ayaa afar jeer ka badan dadkii ku dhintay dibad-baxyo kale oo xooggan oo dalkaas ka dhacay laba sano ka hor.
Cilmi-baaraha Amnesty ee dalka Iran, Raha Bahreini ayaa sheegtay in Amnesty ay go’aamisay tirada dhimashadaas ayada oo soo xiganeysa goobjoogeyaal.
Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in dibad-baxyada lagu dilay dhowr qof, oo uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada dowladda.
Dibad-baxyada oo billowday Jimcihii ayaa kusii fidaya dhowr magaalo oo dalkaas ka mid ah.
Dowladda Iran ma aysan sii deyn warbixin rasmi ah oo ku saabsan tirada dadka ku dhintay kuwa ku dhaawcamay dibad-baxyada, iyo sidoo kale tirada dadka la xiray.
PUNTLAND POST