Wasiir Amniga Puntland oo lagu rasaayeeyay magaalada Carmo

Wasiir Cabdisamad Gallan

Wararka ka imaanaya degmada Carmo ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi ay goor dhoweyd raasaas xooggan isku weydaarsadeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo dhowaan gadood sameeyay iyo ilaalada wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Carmo, ayaa Puntland Post u sheegay in ilaalada wasiirka Amniga iyo ciidanka kale oo ka amar-qaata sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux, ay tacshiirad culus ku dhexmartay gudaha Carmo, inkastoo aan la ogayn haddii khasaare kala gaaray labada dhinac.

Xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka oo uu hoggaaminayo Beel-daaje Maxamed Beel-daaje Ismaaciil ayaa sida la sheegayo markii dambe ku guulaystay in ay kala dhex galaan wasiirka iyo ciidanka Daraawiishta ee halkaasi ku sugan.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, waxa uu la xiriiray muranka wasiir Cabdisamad Gallan iyo ciidanka uu hoggaamiyo sarkaalka la yiraahdo Ciise Yulux oo maalin ka hor waan-waan lagaga soo saaray magaalada Boosaaso kadib gadood ay sameeyeen.

PUNTLAND POST