
Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacayo ayaa sheegaya in halkaasi fiidnimadii caawa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Nabad-Sugidda Puntland.
Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi oo ahaa Taliyihii Nabad-sugida iyo Sirdoonka gobolka Mudug ee dowladda Puntland ayaa lagu dilay xaafadda Suuq Barwaaqo ee waqooyiga Gaalkacyo.
Goob-joogayaal ku sugan gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa laga soo xigtay in dilka Taliyaha ay fuliyeen laba nin oo bistoolado ku hubaysan, kuwaasi oo goobta isaga cararay.
Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa qoraal ay ku faafiyeen warbaahinta taageerta waxay ku sheegteen mas’uuliyadda dilka loo gaystay Taliyihii Nabad-sugida iyo Sirdoonka gobolka Mudug ee dowladda Puntland Gaashaanle Sare Xaashi Aadan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.