Booliiska Puntland oo degmada Galdogob ku soo bandhigay in ka badan 490 dhalo oo Khamriya

Taliska Qeybta Booliiska gobolka Mudug, ayaa saaka degmada Galdogob ku soo bandhigay in ka badan 490 dhalo oo khamriya iyo saddex nin oo doonayey in ay soo galiyaan gudaha Puntland.

Khamrigaan oo laga keenay gudaha waddanka Ethiopia ayaa lagu soo qaaday laba gaari oo nooca loo yaqaan Mark 2-ga, waxaana kastamka Tuurdibi ku qabtay ciidanka Booliiska Puntland ee halkaasi ku sugan.

Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Mudug, G/sare Jaamac Maxamed Axmed oo wareysi siiyay Puntland Post, ayaa sheegay in khamriga laga soo raray degmada Gallaaddi ee dowlad degaanka Soomaalida, islamarkaana la rabay in la geeyo magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

G/sare Jaamac Maxamed, ayaa tilmaamay in isla maanta ay maxkamad la horgeyn doono saddexda nin iyo khamriga ay wataan, si loo mariyo ciqaabta ay mudan yihiin.

Sidoo kale, taliyaha ayaa xusay in Booliisku shalay kantaroolka magaalada Gaalkacyo ka qabteen ilaa 7 kartoon oo khamriya, taasi oo loo waday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Hoos ka daawo wareysiga oo dhan

PUNTLAND POST