Puntland oo xaqiijisay in Al-shabaab qabsatay degaanka Gacan-maroodi ee gobolka Sanaag

Taliyaha Qeybta 9-aad ee ciidamada Difaaca dowladda Puntland ee fadhigoodu yahay gobolka, Sanaag S/ Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur oo waryesi siiyay warbaahinta Puntland Post, ayaa xaqiijiyay in malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay qabsadeen degaanka Gacan-maroodi oo ka tirsan degmada Yubbe ee gobolka Sanaag.

Taliyaha ayaa sheegay,  in malayshiyaad tiradooda lagu qiyaasay 70 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab ay dhufaysyo ka samaysteen degaanka Gacan-maroodi oo dhanka waqooyi kaga beegan degmada Yubbe ee gobolka Sanaag.

Gen Canshuur, ayaa Somaliland ay ku eedeeyay in ay xiriir hoose la leedahay dagaal-yahannada Al-shabaab ee halkaasi qabsadaay, isagoo xusay in ay xoojinayaan ciidamada Somaliland ee ku sugan Yubbe, kadib markii culays ka soo fuulay dhinaca Puntland.

Taliyaha ayaa ku hanjabay, in ay jawaab adag siin doonaan dagaallamayaasha Al-shabaab iyo Somaliland oo sida uu tilmaamay is-garabsanaya.

Hoos ka daawo wareysiga taliyaha

PUNTLAND POST