Jubaland oo faahfaahin ka bixisay dacwad ay ka gudbisay ciidamada Itoobiya

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa warqad ay ku qorantahay dacwad ka dhan ah ciidamada Itoobiya ee aan ka tirsaneyn Amisom ee ku sugan gobolka Gedo u gudbisey wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayada oo sidookale safiiro ka tirsan beesha caalamka copy la siiyey.

Warqadan oo ka soo baxday xafiiska wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Xirsi Gaani Jaamac, ayaa lagu sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn Amisom ay faragelin qaawan ku hayaan Maamulada iyo taliska ciidamada ee degmooyinka Luuq,Doolow iyo Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Qoraal laga soo turjmay warqadda oo xalay lagu baahiyay bogga Facebook ee madaxtooyada Jubaland ayaa lagu sheegay in bishan Novermber 4teedii ay ciidamo Itoobiyaan ah oo uu hogaaminayo taliye ku xigeenka sirdoonka Militariga Itoobiya, ay kaxeysteen gudoomiyayaasha saddexda degmo iyo gudoomiye kuxigeenka gudiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland iyo lataliye sare oo katirsan wasaarada Amniga Jubbaland, kuwaas oo loo qaadey magaalada Nazret ee gudaha dalka Itoobiya.

Inta aan la qaadin ka hor waxaa saddex maalmood si isdaba jooog ah masuuliyiintaas ugu soo dhaceyey hanjabaadyo iyo cabsi galin ku aadan fulinta rabitaanka ciidamada Itoobiya oo ay isticaamleysay Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Isla markii la qaadey masuuliyintaas waxaa ka bilowdey degmooyinkaasi kala furfurida ciidanka iyo maamulka halkaas kajirey, taas oo fursad weyn u noqoneysa Alshabaab keeni kartana inay dib u qabsadaan deegaanadii laga xoreeyey 11 sano kahor, dhinaca kale duminta taliska ciidan ee halkaas ka jira ayaa sababi kara in ciidamadaasi ay isu bedelaan Maleeshiyo beeleed aan maamul hoostagin ayaa lagu yiri waraaqda.

Kadib markii la qaadey ee lageeyey magaalada Nazret waxaa lagu amrey inay sameeyaan 4tan qodob ee hoos ku xusan:-

1- In Taliska ciidamada Jubbaland ee sadexda degmo ( Luuq, Doolow iyo Baladxaawo ) ay ku wareejiyaan Dowlada federaalka Soomaaliya.
2- In maamulada sadexda degmo ku dhawaaqaan inay ka baxeen ama ka go’een maamulka Jubbaland.
3- Inay ku dhawaaqaan in doorashadii Jubbaland ka dhacdey ee Baarlamaaanka iyo madaxweynaha ay ahayd waxbo kamajiraan.
4- In ay qabtaan nidaam doorasho kale oo lagu dooranayo Baarlamaan iyo Madaxweyne.

Qodobadaan oo si qasab ah lagu soo ogoleysiiyey masuuliyiintii la qafaashey laguna amrey fulinta qodobadaas sida ugu dhakhsaha badan, taas oo keentey in saraakiil ka socota DFS ay kasoo degaan Doolow si ay howlahaas u dardargaliyaan.

Warqadan ayaa waxaa lagu sheegay inaysan maangal ku ahayn anshaxa iyo qawaaniinta caalamka iyo sharciyadda Amisomba, in wadan kamid ah wadamada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya uu fududeeyo wadahadal sharci darro ah oo dhexmara gudoomiyayaal laga magacaabey Dowlad goboleed iyo Saraakiil ka tirsan Nabadsugidda Soomaaliya, inkasta oo aan waraaqda lagu magac dhabin kulankaas waxaa la sheegay saraakiishii DFS dhankeeda ka socotey inuu hormuud u ahaa Cabdullaahi Kulane (Jiiska ) oo si dadban kuxigeen ugu ah Fahad Yaasiin oo ah taliyaha Nabadsugida Soomaaliya oo ay isku haybna yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo 6 sarkaal oo kale.

Warqada ayaa lagu soo gabogabeeyey in arrimaha gobolkaas kasocda dhamaantood ay ka danbeyso DFS ayada oo isticmaaleysa ciidamo shisheeya ugana dan leh xaqiijinta hadafkeeda doorashada 2020/2021 taas oo aan suuro gal noqon karin.

Gunaanadka warqada dacwada ah ayaa beesha caalamka iyo daneeyayaasha Soomaaliyaba loogu baaqey, inay si dhow ula socdaan faragelinta qaawan ee ciidanka Itoobiya iyo in DFS ay dalkeedii iyo dakeedii u isticmaaleyso ciidamo shisheeye oo kutumanaya dastuurkii dalka isla markaana burburinaya haykalkii dowladnimo ee halkaas ka jirey.

Waxaa lagusoo afmeeray waraaqda in cawaaqib xumada halkaas ka dhalata ay DFS dusha saaran doonto masuulna ka noqon doonto natiijada dhaqdhaqaaqyadeeda dastuurka dalka baalmarsan.

PUNTLAND POST