
Maxkamadda derejada kowaad ee ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka Xukun dil ah ku ridday laba xubnood oo sida maxkamaddu sheegtay lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab.
Shuceyb Cabdullaahi Maxamed iyo Saadaq Jabaar Xuseen ayaa lagu helay in ay Al-shabaab u qaabilsanaayeen dilalka qorshaysan islamarkaana ay xilliya kala duwan ay magaalada Muqdisho ku dileen askar ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi daa’im ku xukuntay laba eedaysane oo kale Maxamed Cismaan Axmed iyo Ismaaciil Aweys kuwaasi oo lagu helay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo in ay qorsheeyeen isku day dil oo ay doonayeen in ay ku khaarajiyaan gabar ka ganacsata Qaadka balse ay ka hortageen ciidamada amniga.
Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee ciidamada Qalabka oo ku dhawaaqay xukunnada kala duwan ayaa sheegay in raga la xukmay dhammaantood ay hastaan 30 cisho oo Rafcaan ah.
Hoos ka daawo muuqaalka oo dhan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.