Guddoomiye Mursal oo sheegay in doorashada Soomaaliya ay wakhtigeeda ku qabsoomi doonto

Guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamanka dowladda Federaalka , Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan oo ku sugan magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad degaanka Soomaalida, ayaa ka hadlay doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee la filayo in ay dhacdo 2020/2021-da.

Guddoomiye Mursal, ayaa sheegay in doorashadu  ay ku dhici doonto wakhtiga  loogu talo galay, oo aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku iman doona doorashada, isagoo xusay in Barlamaanka Soomaaliya uu ka doodi doono shuruucda looga baahanyahay doorashada soo soo soo socota.

Doorashada xiligii loogu tala galay ayay dhici doontaa haddii Alle idmo, Waxaa uu barlamaanka hadda gacanta ku haya sharciga doorashada oo guddii loo magacaabay, waxaana rajeeneynaa bishan Noofeembar in barlamaanka ka doodo sharcigaas, bisha Diseembar na la ansixiyo sharciga doorashada” ayuu yiri guddoomiye Mursal oo la hadlayay BBC-da.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in mudda xileedka dowlad kasta oo la doorto ugu qoran Dastuurka ay tahay afar sano oo keliyah, islamarkaana dowladda walba ay haysato afar sano, marka afartaas sano ay dhamaatana doorashada la qaban doono.

PUNTLAND POST