Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku geeriyooday qarax maanta ka dhacay caasimadda waddanka Afghanistan ee Kaabul.
Sidoo kale in ka badan 10 qof oo kale oo ay caruur ku jirto ayaa qarax ku dhaawacmay sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha gudaha dalkaasi.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Nasrat Rahimi ayaa Twitter-ka ku shaaciyay in qaraxa oo dhacay subaxnimadii hore ee saaka oo Arbaco ah lala beegsaday gaari ay lahayd shirkad dhanka ammaanka ka shaqeysa oo ajnabi ah.
Wuxuu intaasi ku daray in 4 qof oo shaqaale ajnabi ah oo shirkaddaasi la shaqeynayay uu dhaawac soo gaaray.
Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi balse Kooxda Taalibaan iyo kooxaha kale ee xagjirka ah ayaa inta badan qaraxyo ka geysta dalkaasi.
PUNTLAND POST